Shirka Amniga Qaranka oo Qodobo waa weyn looga xaajoonayo kalkan

Madaxweyne Deni,waxaa la filayaa in uu ka mid noqdo Madaxda Somalida ee Shirka iskugu imaanaysa maalinka beri foog ah sida qorshuhu ahaa.

Madaxweyne Axmed Madoobe,ayaa isaguna soo gaaray Kismaayo si uu qayb uga noqdo Shirkaas.

Sidoo kale Madaxweyne Laftagareen,ayaa la filayaa in uu gaaro Muqdisho Beri foog.

Qodobada horyaala Madaxda Somalida,ayaa ah Laba arimood oo waa weyn ka xaajoodkood,kuwaasoo kala ah…

  1. Awood qeybsiga
  2. Cadaaladda

Labaduba waa arrimo Dastuuri ah oo u baahan Guddiyo ka madaxbanaan Siyaasadda.

Dowlada Fadaraalka,ayaa la sheegayaa in ay mar horaba soo gudbisay Qodobada ay u aragto awood ahaan in ay kala yeelan karaan Labada heer ee Dowladnimada Somaliya.

Sidoo kale Gudi Garsoor oo laysku raacsan yahay oo mideeya Dalka kana Madax banaan Siyaasada oo aysan saamayn ku lahayn Madaxda markaa talada haysaa in la dhiso wax fudud ma’ahan.

Si kastoy tahay Qodobadan ma fududaan doonaan isku afgaradkooda,balse waa umuhiim dib udhiska Qaran Fadaraaliya oo Somaliyed.

Jibril Qoobey.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading