Shirka Badhameed Ee Isimada Puntland yaa ka danbeeya?

Badhan,waxaa ka dhici doona Shirweyne Dhaqan oo ay iskugu imaanayaan Isimada Puntland.

Ilaa iyo hada,waxaa aqbalay saan xogta ku hayo 7-Isin oo soo jireen ah,kasoo qaybgal Shirka.

Shirka,waxaa Martigelintiisa leh Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaam Suldaan Maxamuud.

Shirka,waxaa leh maalgelintiisa Beesha Warsangeli oo Ganacsatadu,waxay qaadatay dhanka Dhaqaalaha,Bulshada kalena Xoolaha iyo Marti soorka.

Shirka ujeedkiisu,waa xal uhelida khilaafka Doorashada ee xilligan ka jira Puntland.

Ma cada doorka Dowlada ee Shirkaas ay ku leedahay abaabulkiisa iyo go’aamadiisa.

Shirkan,haduu qabsoomo,waxaa iska cad in uu macno tiri doono kii Garowe ee Boqorku Shir Gudoominayay.

Suldaan Cabdisalaam,waa Isim saamayn leh oo ku fadhiya Saldano soo jireen fac weyn leh,isla markaana ay ku weyn tahay Puntlander-nimadu.

 

Jibril Qoobey.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading