Shirka Baydhabo oo gaba-gabo maraya & qodobada lagu heshiiyay

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Shirka magaalada Baydhabo uga socda Guddiga farsamada ee ka kala socda Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad Gobaleedyada iyo Gobalka Banaadir, oo lagu wado inuu caawa soo gaba-gaboobo.

Shirka oo maalintiisii labaad socda ayaa wararku sheegayaan in qodobada la isku hayo laga gaaray is af-garad, sida Arrimaha Gobalka Gedo, Guddiga Doorashooyinka xubnaha Somaliland iyo Dooda ka taagan Guddiga Doorashooyinka.

Xogo hordhac ah oo ay heshay Shabakadda Idil News ayaa tibaaxaya in Arrimaha Gobalka Gedo lagu heshiiyay in Madaxweynaha Jubbaland uu soo magacaabo Guddoomiyaha Gobalka, lana geeyo Booliska AMISOM ah Garbahaarey, intaas kaddibna ay tagaan Guddiga Doorashooyinka ee uu magacaabay Madaxweyne Axmed Madoobe.

Sidoo kale, Arrinta Guddiga Doorashada xubnaha Somaliland ayaa la isku afgartay in loo kala qeybiyo Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare iyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka XFS, halka Guddiga guud ee Doorashooyinkana lagu heshiiyay in laga saaro xubnaha la dhaliilay yahay.

Qodobadan ayaa ah kuwo uu horey u soo jeediyay Madaxweynaha Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni intii lagu guda jiray kulankii Madaxda ee Dhuusamareeb 4.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading