Shirka dib U Eegista Mashruuca JLPG Oo Garowe ka furmay

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa Daah-furay Shirka dibu-eegista Mashruuca JPLG iyo Qorshaha Sanadka 2023.

Kulanka oo soconaya mudo Laba Maalmood ah yaa looga hadlayaa guulaha la taaban karo ee laga gaaray Mashruuca Maamul baahinta Puntland (JPLG,) wejigiisa Sadexaad, Caqabadaha jiray iyo Qorshaha wejiga xiga ee mashruuca.

Shirka oo uu soo qaban-qaabiyey Xafiiska Maamul baahinta Puntland waxa kasoo qayb galay Wasiirada Wasaaradaha bahwadaagta la ah Mashruuca, Guddoomiyayaasha degmooyinka mashruucu ka socdo, Hay’addaha taageera Maamul baahinta iyo masuuliyiin kale.

DHAMMAAD

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND .


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading