Shirka dib-u-eegista miisaaniyadda dowladaha hoose ee Puntland oo ka furmay Garoowe (VIDEO)

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Faderalka iyo Dimuqraadiyeynta dowladda Puntland ayaa maanta magaalada Garowe ku qabatay Shirka Dib-ueegista Miisaaniyadda Dowladdaha Hoose iyo Qorshaha Howleedka ee sanadka 2021.

Daah_furka Shirkaan waxaa ka soo qayb galay Wasiir ka socday Wasaaraddaha adeeg bixiyaasha, Guddoomiyaasha Degmooyinka Puntland, saraakiil ka socotay Bahwadaagta Wasaaradda UNJPLG, iyo marti sharaf kala duwan.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Faderalka iyo Dimuqraadiyeynta DPL mudane Maxamed Dhabancad oo uu Wehlinayo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, DPL ayaa si Rasmiya u Daah furay Shirka dib u eegista Miisaaniyada Dowladdaha Hoose iyo Qorshaha Howleedka ee sanadka 2021.

Idilnews


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading