Shirka G-20 oo Sanadkan uusan ka qaybgalayn Madaxweynaha Shiinaha

13-hogaamiyayaasha caalamka kuwa ugu awooda badan,ayaa iskugu tagey Hindiya oo Sanadkan uu ka qabsoomayo Shirka G-20.

Sidoo kale 14-Madax hay’ado caalamiya,ayaa iyaguna gaaray Caasimada Hindiya ee New-Delhi.

Waxaa kaloo Shirka goobjoog ahaan loogu casumay 9-Wadan oo aan Xubin ka ahayn G-20.

Shirkan,waxaa ka baaqday hogaamiyaha Shiinaha oo ah Wadanka Labaad ee ugu Dhaqaalaha weyn caalamka,iyadoo baaqashadiisa aan si waadix ah loo ogayn waxa sababay,waxaase xogo hoose ay tilmaamayaan in uu jiro khilaaf dhanka Xuduuda ah,gaar ahaan Wabi Labada Wadan ee Hindiya Shiinaha isku xira.

Sidoo kale,waxaa Shirka ka maqan Madaxweynaha Ruushka Putin oo ay saamaysay Dacwada ay kusoo oogtay Maxkamada Danbiyada dagaalka ee caalamiga ah.

Hindiya,ayaa si weyn ugu diyaar garowday qabashada Shirkan,waxaana uga baxaya dhaqaale gaaraya $120-Milyan,waxay kaloo udiyaarisay 3500 oo Hotel iyo 10-Kun Qof oo soo dhaweynta udiyaarsan,waxaa la xoojiyay amniga iyo bilicda Magaalada.

Hindiya,ayaa u aragta qabashada Shurkan sumcad iyo maqaam Diblomaasi oo sare.

 

Jibril Qoobey.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading