Shirka Golaha Wasiirada Puntland oo lagu qabtay Magaalada Gaalkacyo

Gaalkacyo; 08, August, 2024: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo maanta Shir-Guddoomiyey Shirka Golaha Wasiirada Puntland oo Todobaadkan lagu qabtay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug,ayaa looga hadlay Amniga guud, sare u qaadidda wax-soo-saarka Kalluunka Degmooyinka Xeebaha ah ee Puntland,tayaynta Waxbarashada aasaasiga ah iyo Tacliinta Sare iyo maamul baahinta Degmooyinka.

Shirka Golaha Wasiirada Todobaadkan oo noqonaya kiii ugu horeeyey ee lagu qabto Gaalkacyo,ayaa sidoo kale looga hadlay xogta caafimaadka,maaraynta biyaha magaalooyinka iyo qodobo kale oo muhiim.

DHAMMAAD.

Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyada Dowladda Puntland.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading