Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hab- maqal iyo muuqaal ah maanta u Shir-guddoomiyey Shirka Golaha Wasiirada Dowladda Puntland, oo todobaadkan looga hadlay Amniga Guud ee Puntland, Arrimaha Siyaasadda Soomaaliya iyo Doorka Puntland, Xaaladda Covid-19 ee Puntland, Fatahaadii Qardho iyo Qorshaha Waxbarashadda Puntland ee inta lagu guda jiro xaaladda uu sababay xanuunka Coronavirus.
Kulanka waxaa Madaxweynaha ku weheliyey Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo dhammaan xubnaha golaha Wasiirada oo ku kala sugnaa xafiisyada iyo xarumahooda kala duwan.





Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.