Shirka Madaxda DFS iyo Dowlad Gobaleedyada oo baaqday

Shir lagu waday inuu maanta uga furmo Magaalada Muqdisho Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Gobaleedyada ayaa baaqday, iyadoon la ogeyn ujeedada rasmiga ah ee ka dambeysa.

Shirka ayaa ujeedkiisu yahay ka heshiinta Hanaanka Dilmuquraadiyeynta Dalka ee 2020/2021, Beesha caalamka ayaana damaanad qaad ka ah Shirka.

Madaxweynayaasha Puntland, Jubbaland, Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Hirshabelle, ayaa ku sugan Magaalada Muqdisho, Sidoo kale kulamo gooni gooni ah ayaa ka socda Magaalada, kuwaas oo looga hadlayo furitaanka Shirka.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading