Shirka mashaariicda horumarineed ee UNICEF ka fulinayso Puntland 5-ta sano ee soo socota.

Garoowe: 01 October 2024: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta furay Shirka Dowladda iyo Hay’adda UNICEF, Kaasi oo lagula ogaanayo mashaariicda horumarineed ee UNICEF ka fulinayso Puntland 5-ta sano ee soo socota.

Madaxweynaha Dowladda Puntland oo boggaadiyey shaqada UNICEF ka hayso Soomaaliya gaar ahaan Puntland, ayaa la wadaagay Shirka in laga wada shaqeeyo hufnaanta mashaariicda sii loo hubiyo in caawimaadu gaartay dadkii loogu talagalay.

Dowladda Puntland ayaa soo saari doonta Habraac iyo Hage ay ku cadahay nidaam iyo hanaan lagula soconayo mashaariicda sida, qaabeynta, qosheynta, fulinta iyo qiimeynta in laga gaaray ujeedooyinkii laga lahaa. Habraacan ayaa fududeyn doona wada shaqeynta Dowladda, Hay’adaha fulinaya iyo deeq bixiyaha maalgeliyay.

Shirka waxaa ka qeybgalay Wasaraadaha Qorsheynta , Caafimaadka , Arrimaha Gudaha, Deegaanka, Waxbarashada , Cadaaladda, Haweenka , Gargaarka, Ururada Bulshada iyo Xafiiska Difaacaha Xuquuqul Insaanka Puntland.

-DHAMMAAD-

-XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND-


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading