Shirka midowga Musharixiinta oo maanta lasoo gaba-gabeeynayo

Shirka Midowga Musharixiinta Doorashada Madaxweynaha 2020 – 2021 oo 5 maalmood ee lasoo dhaafay ka socday Magaalada Muqdisho ayaa lagu wadaa inuu maanta soo gaba-gaboobo, iyadoona laga soo saarayo War-murtiyeed ku aadan qodobada ay isku afgarteen musharixiinta.

Shirka oo ay ka qeybgalayaan illaa 12 Musharax ayaa mudadii uu socday waxaa ka qeyb galay, Guddoonka Labada Aqal ee  BJFS, Urrurada Bulshada rayidka, Siyaasiyiinta kasoo jeeda Gobolada Waqooyi, Cullimada Soomaaliyeed iyo Madaxda Warbaahinta, waxaana ay is-dhaafsadeen talooyin la xiriira Arrimaha doorashooyinka.

Afhayeenka Midowga Musharixiinta Madaxweynaha Ridwaan Xirsi Maxamed ayaa sheegay in musharixiinta ay aad uga doodeen, halka dalka uu ku socdo halka uu ka yimid iyo sida laga yeelayo.

Sidoo kale, Af-hayeen Ridwaan ayaa sheegay in maalmihii uu Shirka socday ay isla eegeen waxyaabo badan oo uu sheegay inay ku fashilantay Dowladda Madaxweyne Farmaajo, sida wax ka qabashada Ammaanka, Dhaqaalaha, Dastuurka dalka, iyo maqaamka Muqdisho.

Ugu dambeyn, Afhayeenka Midowga Musharixiinta Madaxweynaha Ridwaan Xersi Maxamed waxaa uu sheegay in waxyaabihii ay ka hadlayeen maalmihii la soo dhaafay iyo Go’aankooda ay ku sheegi doonaan Warmurtiyeedka ay Maata soo saari doonaan.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading