Shirka Nabadaynta Beelaha Mudug oo ka furmaya Degmada Bursaalax

Waa muhiim Shirka Amniga iyo Nabadaynta Beelaha Mudug ee Bursaalax ka furmaya saakay.

Beelaha hada Aanooyinkoodu taagan yihiin oo la rabo in la xaliyo,waxaa ka mid ah…

Wagardhac iyo Reer Mahad.
Wadalmoge iyo Leelkase.
R.Bicidyahan iyo Leelkase.

Maamulka Gobolka iyo Talyaha cusub ee Booliska Gobolka way isla jaanqaadeen mudadii yarayd ee uu joogay wax badan ayay kuwada guulaysteen xalintooda.

Waxay xakameeyeen Dilal si masuuliyad daro ah udhici jiray iyo kuwa Aanooyin ah oo ay isfahan dari sababi jirtay.

Haatan Shirkan ayay abaabuleen oo ay rabaan in lagu soo afjaro Aanooyinka jira.

Guud ahaan Amniga Mudug waa wanaagsan yahay,waxaana kor loo qaaday sugidiisa oo dhinacyo badan leh.

Jibril Qoobey.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading