Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, oo ay wehlinayaan Wasiir ku-xigeenada Wasaaradda, Agaasimaha Guud ayaa magaalada Garoowe ka daah-furay Shir looga hadlayo soo bandhigida wax ka badalka Sharciga cusub Dowladaha Hoose ee Law Number-7, xoojinta Nidaamka wada shaqeynta Maamulada Gobalada iyo Degmooyinka, iyo soo-jeedinta qorshaha fog ee Machadka Dowladdaha Hoose(LGI).
Shirka oo socon doonaa muddo 7-Cisho ah, ayaa waxaa ka qeyb-galaya qaar kamida Gudoomiyaasha Degmooyinka, Gobaladda, Xoghayaasha Dawladdaha Hoose, Iskuduwayaasha Gobalada, Masuuliyiin kasocotay Machadka Dowladdaha Hoose, Gudoomiyaha Haayadda Maamul wanaaga Puntland, Bahwadaagta Wasaaradda, iyo La-tiyaasha Wasaaradda Arrimaha Gudaha.
Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha Federalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland Maxamed Dhabancad oo daah-furay Shirka ayaa sheegay in dhawaan Wasaaraddu qaybin doonta sharciga cusub ee Dowladaha Hoose ee law-7, ayadoona la gaarsiin doono dhammaan Gobalada iyo Degmooyinka Puntland.














Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.