Shirka Xogta Caafimaadka Puntland oo lagu qabtay Garoowe (Sawirro)

Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland ayaa Garoowe ku qabatay Shirka maaraynta iyo Dib-u-eegida xogta Caafimaadka Puntland, kaas oo lagu gorfeynayay xogta laga soo aruuriyay dhamaan deegaanada Puntland.

Shirkan oo Saddexdii biloodba mar la qabto ayaa si gaar ah diirada loogu saaray guulaha laga gaaray xogtii lasoo aruuriyay iyo caqabadaha jiray.

Agaasimaha waaxda Qorsheynta Dr. Maxamed Maxamuud Xidig, oo si rasmi ah u furay Shirkan ayaa ku amaanay shaqaalaha xogta caafimaadka ee wasaaradda shaqada ay qabteen iyo guulaha la gaaray, waxaana uu soo jeediyay in meesha la joogo kor looga sii socdo.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading