Shirkad xabaalaha qodda oo suuq la’aan ka cabatay

Shirkadda Dignity oo laga leeyahay dalka Britain oo ka shaqeysa aasidda dadka ayaa sheegtay in ay halis ugu jirto in ay khasaarto kadib markii ay yaraadeen dadka dhimanaya. Tirada dhimashada ee saddexdii bilood ee ugu horreeyay sanadka 2019-ka ayaa hoos u dhacday boqolkiiba 12% waxayna noqotay 159,000, marka la barbar dhigo 181,000 oo ahayd isla xilligan oo kale sanadkii la soo dhaafay.

Sidaas daraaddeed, waxay shirkaddu sheegtay inay ka cabsi qabto iney dabayaaqada sanadkan ay khasaarto £21.7m gini.

Dignity bilihi ugu horreeyay ee sanadkan waxay fulisay aaska 19,200, marka la barbar dhigo 21,400 oo saddexdii bilood ee ugu horreeyay sanadkii 2018-kii ay aastay.



Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading