Shirkada Baabuurta VW oo suuq xumo weyn ay soo wajahday

Shirkada weyn ee caanka ah ee soo saarta Baabuurta (VW) ayaa xirtay Warshadeedii ugu weynayd ee Jarmalka ku taalay.

Shirkadan oo ka mid ah kywa Baabuurta soo saara ee Jarmalka laga leeyahay,ayaa wajahaysa suuq xumo baahsan oo ku habsatay.

Qodobka ugu weyn ee keenay hoos udhaca soo wajahay Iibsiga Gawaarida ay samayso,ayaa waxaa sabab u ah Qiimaha aadka Qaaliga u ah ee ay ku iibiso Baabuurta ay samayso.

Shirkada,ayaa tartan adag kala kulantay Suuqii weynaa ee Shiinaha,iyadoo Shiinaysku sameeyeen Baabuur Koronto ah oo aad ujaban.

Sidoo kale Shiinuhu,waxa uu Suuqyada Jarmalka kusoo sii daayay Baabuur aad uag jaban kuwa VW.

Maamulka Shirkada,ayaa shaaciyay in Shaqaalaha la dhimi doono oo 2-da Sano ee soo socota kharashka aad loo yarayn doono.

Qodob kale oo aan xoog badnayn,ayaa sheegaya in Suuq xumida Shirkada VW ku habsatay uu keenay dagaalka Ukrain iyo khalkhalka ku yimid  Tamarta.

Talooyinka loosoo jeedinayo,ayaa ,waxaa ka mid ah in ay samayso Baabuur raqiis ah oo hadana qiimo leh si ay ula tartamaan kuwa Shiinaha.

Gawaarida VW ayaa lagu iibshaa Lacag gaaraysa 60-kun oo Yuro.

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading