Shirkada Dekeda Garacad oo iska diiday heshiiskii Shirkada Imaaraatiga

Gudiga Maamula Shirkada Gacanta ku haysa Dekeda Garacad,ayaa diiday in ay saxiixaan heshiis Dekeda Saami looga iibin lahaa Shirkad Imaaraatiya.

Diidmadoodu,waxay ku salaysan tahay kadib markii Shirkada Imaaraatiga ah ay miiska la timid in aysan dhisayn Wadada ee ay kaliya Dekeda Saami ka rabaan.

Wadada dhismaheeda,waxay Shirkada Imaaraatiga ah la Shir timid in Dowlada imaaraadka ay ka raadinayaan,balse Gudiga,ayaa ku adkaystay in aysan saxiixayn heshiis aysan Wadada ku jirin oo waliba aysan ku cadayn in waxa ugu horeeya ee la qabanayo ay tahay.

Sida la filayo way ku khasban tahay Shirkada Imaaraatiga ah in ay Dhismaha Wadada heshiiska ku cadayso,sababtoo ah,waxay aad udanaynaysaa Dekeda oo waxay og tahay haday ka baxdo heshiiska in Turkiga iyo Qatar mar horaba miiska soo saareen heshiis Saami iibsasho ah.

Gudigu ma danaysan oo ma eegin Lacagta xuquuqul Qalinka ah ee ay heli lahaayeen,waana midaas mida karaamada mudan.

Hadii layskaba daayo in Dekeda Saami laga iibiyo Shirkad Shisheeye,waxay Dekedu ku dhisan kartaa Wadada Laba Sano gudahood.

 


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading