Shirkada Wadaagsin ee dhisaysa Dekeda Garacad,ayaa shir ku qabatay Hotel Istanbul ee Magaalada Jigjiga.

Shirkaas waxa looga gol lahaa sidii Dadka Deegaanka Somalida Itoobiya fursad loogu siin lahaa in ay Saamiyaal ku darsadaan Dekada Garacad.

Maareeyaha Dekada Garacad Siciid Cabduqaadir,ayaa Madasha ku sharaxay xogta Dekeda iyo sida ugu fudud ee Saami looga iibsan karo.

Shirka waxaa kasoo qaybgalay Xukuumada iyo Ganacsatada Deegaanka Somalida Itoobiya.

Garacad waa dhisantay waana il Ganacsi oo muhiim ah kuna soo biirtay Maalgashiga Bariga Africa.
Jibril Qoobey.

Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.