Shirkadda DP World oo uu saameeyay Go,aankii Dowladda Jabuuti+Warbixin

Shirkadda DP WORLD ee dalka Imaaraadka Carabta ayaa sheegtay in muranka iyo dacwaddii dhexmartay iyaga iyo dowladda Djibouti ee ku aadanaa maamulka Dekedda Doraaleh, ay taasi dhaawac gaarsiisay shirkadda, isla markaana ay ku adkaatay inay bangiyada caalamka ka hesho deyn ay ku maalgaliso mashaariic cusub.

Shirkadda ayaa sababaha ay ugu adkaatay inay deyn helaan waxaa ay ku sheegtay Go’aankii Dowladda Jabuuti uga saartay Shirkadda dekadda ay ku laheyd dalkaasi,isla markaana Shaqadooda ay saameyn ku yeelatay.

Maamulaha Shirkadda DP WORLD Suldaan Axmed ayaa wakaaladda Wararka ee Reuters  waxaa uu u sheegay in go’aankii Dowladda Jabuuti uu dhaawacay kasoonidii lagu qabay shirkadda iyo mashaariicda ay maalgeliso.

Hadalkaanayuu sheegay isaga oo ku sugan dalka Ruwand halkaas oo ay Shirkaddu ka hirgelisay Mashruuc dhnaca adeega ah,waxaana uu sheegay in Bangiyadu ay walaac ka qabaan sida loo damaanad qaadayo in hadii ay shirkadda lacag amaahiyaan si lo maalgeliyo iyo in dowladuhu ay qaataan Go’aanka Jabuuti mid lamid ah ayna qaataan mashaariicdii ay fulin jirtay Shirkadda DP WORLD.

Dowladda Jabuuti ayaa Shirkadda DP WORLD waxaa Maamulka dekadda Doraaleh ay kala wareegtay Bishii Febaraayo sanadkii 2018,waxana tallaabadaasi ay ka dhalatay muran soo jiitamayay tan iyo sanadkii 2012kii.

Maamulaha Shirkadda DP WORLD Suldaan Axmed ayaa ugu dambeyn waxaa uu sheegay in weli Sharkadu ay sisharci ah uga Shaqeyso dalalka Soomaaliya,Musanbiig Senegal iyo Maali,isla markaana haatan ay heshiis Cusub la saxiixdeen dalka Kongo.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading