Shirkado u tartamaya qandaraaska qalabka cod-bixiyayaasha Puntland (Sawirro)

Guddoomiyaha Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Dowladda Puntland Guuleed Saalax Barre, ayaa maanta daah-furay qandaraas horay loo soo xayaysiiyay oo ku saabsan qalabka iyo System-ka diiwaangalinta codbixiyaha Doorashooyinka Puntland.

Qandaraaskan oo ay soo codsadeen 4 shirkadood ayaa daah-furkiisa waxaa kasoo qaybgalay Daladda daneeyayaasha aan Dowling aheyn ee Puntland (PUNSAA), Safaaradda Denmark iyo Hay’adaha InterPeace iyo SAHAN oo qayb ka ah Guddiga Qiimaynta Qandaraaska.

Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland ayaa sheegay inay dhowaan shaacin doonaan Shirkadda ku guulaysata qandaraaskan, marka lasoo dhameeyo qiimaynta ay isla samaynayaan Guddiga iyo khubarada ka socota hay’adaha caalamiga ah.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading