Shirkii 3-aad ee uu ku baaqay Farmaajo oo fashilmay

Shir saddexaad ee uu ku baaqo Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS Maxamed C/llaahi Farmaajo, tan iyo 8 Febraayo ayaa baaqday, kaddib markii ay iska diideen Madaxweynayaasha Dowlad Gobaleedyada Puntland iyo Jubbaland.

Farmaajo ayaa Shirkan Iclaamiyay inuu maanta ka dhaco Magaalada Muqdisho, balse Puntland iyo Jubbaland ayaa sheegay in aysan Shirkan aysan tagi doonin, waxaana ay ku eedeeyeen Farmaajo inuu caqabad ku yahay wada-hadalada Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah iyo Midowga Musharixiinta, kuwaas dhabaha loogu xaarayo hirgalinta Hanaanka Geedi-socodka Doorashooyinka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa horey Shir u Iclaamiyay in la isugu yimaado Garoowe iyo Muqdisho, balse waxaa taas ganafka ku dhuftay Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland, oo sheegay in Farmaajo uu ka dhamaaday muddo-xileedkii.

Fashilka Shirka 3-aad ee uu ku baaqay Farmaajo ayaa waji gabax ku ah, waxaana uu muujinayaa in  uusan wax maqaal ah iyo tixgalin haatan heysan.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading