Shirkii amniga Qaranka oo laysku mari la’yahay iyo RW Khayre oo hogaaminta shirka kala wareegay madaxweyne Farmaajo

Shirkii golaha amniga qaranka oo ay ku midaysan yihiin madaxda fadaraalka iyo madaxda dawladaha xubnaha ka ah dawlada fadaraalka ayaa galay maalintisii sadexaad.
 
Shirka maanta ayaa waxaa shir gudoominaya Rw Khayre ka gadaal markii madaxweyne Farmaajo ay kusii adkaatay hogaaminta shirka.
 
Sida xogaha hoose ay sheegayaan isfahan waa xoog leh ayaa soo kala dhexgalay madaxweyne Farmaajo iyo madaxda dawladaha xubnaha ka ah dawlada Fadaraalka ,isfahan waagan ayaa ku salaysan sida loo maaraynayo ama loo maamulayo dhaqaalaha ay beesha caalamka ugu talagashay dib u dhsika ciidamada Somaliya.
 
Deeq bixiyeyaasha caalamka oo balan qaaday inay bixinayaan dhaqaalaha ku baxaya dhismaha ciidamo gaaraya 18 kun oo Somaliya dib loogu dhisayo,ayaa ah qodobka ugu muhiimsan ee la isku mari la’ yahay cida maamuleysa, iyadoo dawladaha xubnaha ka ah dawlada fadaraallka ay ku doodayaan in ay door muuqda ku yeeshaan maamulida qorshaha dib u dhiska ciidamada.
 
Ra’isalwasaare Khayre oo shirka soo dhexgalaya kadib markii madaxweyne farmaajo waxba dhaqaajin waayay ayaa wararku sheegayaan in ay soo dadajisay isfahan la gaaro.
 
Sida xogta ay ku helayso idilnews ilaa iyo hada qodobada qaar isfahan ayaa laga gaaray ,sidoo kale waxaa la filayaa in beri galab shirku soo xirmo lagana soo saaro warmurtiyeed laysku raacsan yahay.

Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading