Shirkii Madasha Koonfurta iyo Bartamaha si kama danbays ah ufashilmay

Warqad kasoo baxday Xaafiiska RW Xanse,ayaa lagu sheegay Todobaad ka hor in Shirku uusan xirimin ee Wadatashi loo hakiyay layskuguna soo laaban doono 26-ka Bishan oo Maanta ku beegan.

Wax war ah lagama hayo kamana soo bixin War Xaafiiska RW iyo Villa Somaliya,waxaa la oran karaa (Guux iyo Gariirba,way beeshay).

Xasan Shiikh,waa in uu wajahaa Waaqiciga oo aqbalaa fashilka ku yimid qorshiisii mudo kororsiga,isla markaana Miiska dhiga Talada si Dalka loo badbaadiyo.

Jubaland iyo Maamulada kalaba in lagu garab siiyo Doorashadooda in ay qabsadaan,waa Waajib Dastuuriya oo saaran Puntland iyo cidii kale ee masuuliyad dareemaysa.

Hadii Sharciyad loo waayo Maamulada,waxaa lumaya Nidaamka Wadanka.

MW Deni,ayaa Qodobkan dul istaagay,si gaar ahna usheegay in ay garab iyo Gaashaan ugu yihiin in JL Doorashadeeda qabsato.

 


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading