Shirkii Madaxda DF iyo D/gobaleedyada ee Garoowe oo Baaqday & Xiisad Cusub oo bilaabatay.

GAROOWE (IDIL NEWS)-Warar lagu kalsoon yahay oo ay helayso Shabakadda Idil News, ayaa Sheegaya in uu baaqday Shirkii Madaxda Dowladda Federalka iyo kuwa Dowlad Gobaleedyada ee loo balansanaa in uu ka dhaco Magaalada Garoowe ee Caasimadda Dowladda Puntland.

Shirkan oo sida qorshuhu ahaa loo balamay 20 bisha soo socota ee March, ayaa la sheegay in uu baaqday kaddib markii ay sii kala durkeen Madaxda Dowladda Federalka iyo Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Galmudug, kuwaas oo si weyn ay ukala aragti duwanaayeen.

Wararka ayaa intaas Ku daraya in is faham waa uu soo kala dhex galay Madaxda Dowladda Federalka iyo Madaxweynaha Dowladda Puntland ee bishii hore la doortay Dr. Siciid C/llaahi Deni, kaas oo la isku maan dhaafay Deeqaha Soomaaliya la siiyo iyo halka la geeyo qeybta Dowladda Puntland.

Sidoo kale, Dad ka agdhow Madaxtooyadda ayaa Idil News u sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu uga baxay Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid Deni, Lacag uu balanqaaday, taas oo ay Xukuumadda Cusub Ku kabi laheyd Musharaadka Ciidamada iyo Shaqaalaha Dowladda.

Madaxweyne Deni ayaa shalay si adag u dhaliilay Dowladda Federalka, Isagoona sheegay in Puntland ay ka qatan tahay Dhamaan qeybihii ay Ku laheyd deeqaha la siiyo Soomaaliya, waxaana uu xusay inay Puntland wixii haatan ka dambeeyay kula xisaabtami doonto Dowladda Dhexe.

Si kastaba ha ahaatee, Dowladda Federalka Soomaaliya ayaa wajahaysa Xiisad Cusub haday dhabowdo Baaqashada Shirkan, Iyadoona si weyn isha loogu hayo sida ay wada shaqeynta ula yeelaneyso Hoggaanka Cusub ee Dowladda Puntland.

IDIL NEWS


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading