Shirkii Turkiga Ee Somaliya iyo Itoobiya oo Waji Sadexaad ugudbaya

Uma badna in wax heshiis ah kasoo baxo kulanka Turkiga.

Sida xogaha hordhaca sheegayaan Itoobiya ilaa iyo hada ma tanaasulin kamana laaban mowqifkeedii.

Dhanka kale DFS ma samayn wax dabac ah oo muujinaya in ay Itoobiya teeda uraacayso.

Xogo hordhac ah,waxay sheegayaan in kulan kale loo balami doono Sadex Bilood kadib,kulankan hada socdana ay kasoo bixi doonto kaliya in Dowladuhu isku soo dhawaadeen oo isfahmeen lana sii wadayo wada Shaqaynta.

Xasan Shiikh si weyn,ayuu uga taxadarayaa wada hadalkan,sababtoo ah,waxa uu og yahay Card-kiisa Siyaasadeed in uu ku xiran yahay si weyna ay fursad uga raadinayaan Mucaaradka.

JQ.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading