Shirweynaha Arrimaha Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada ee Galmudug oo soo xiray (VIDEO)

Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi kaariye ayaa maanta ka qeybgalay Shirweynaha arrimaha Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Galmudug, oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Deegaanka,Isbedelka Cimilada, iyo Horumarinta Reer Miyiga Galmudug.

Shirkan oo ay goobjoog ka ahaayeen xubno katirsan goleyaasha dowladda, guddoomiyaha Maxkamada Sare, Xeer-ilaaliyaha Guud Ee Galmudug, Maamulka Caasimada, Rugta Ganacsiga iyo Hay’adaha kale ee arrimaha bii’ada.

Shirka ayaa diiradda lagu saaray badbaadinta deegaanka, iyadoona lagu soo bandhigay siyaasadda ilaalinta deegaanka iyo sidii loo hirgelin galin lahaa sharciga maareynta deegaanka.

Madaxweynaha ayaa xusay ahmiyadda ilaalinta deegaanka isagoona bulshada ku dhiirigeliyey iney dhowraan kuna dhaqmaan sharciga deegaanka.

Idilnews


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading