Shirweynaha Hormarinta Waxbarashada Puntland oo ka furmaya Garoowe

Madaxweynaha Dowladda Puntland H.E Said Abdullahi Deni, ayaa maanta lagu wadaa inuu daah-furo Shirkii ugu waynaa abid oo looga hadlayo arrimaha Waxbarashada Puntland 23 sano kaddib.

Shirka oo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Waxbarashada & Tacliinta Sare Ee Puntland ayaa looga hadlayaa Hormarinta Waxbarashada Puntland, iyo sidii looga gudbi lahaa caqabadaha jira, waxaana ka qeybgalaya Masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada, Madaxda Iskuulada iyo Jaamacadaha Puntland, khuburo dhanka Waxbarashada, Saraakiil ka socota Hay’adaha taageerada dhaqaale siiya Puntland iyo Marti-sharaf kale.

Idilnews


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading