Shirweynaha Maal-gashiga Puntland oo berri furmaya iyo Wafuud ku qul-qulaysa Garoowe

Shirweynaha Maalgashiga Puntland ayaa berri ka furmi doona Magaalada Garoowe ee Casimadda Puntland, Iyadoona haatan ay socoto Qaban-qaabadii ugu dambeysay ee loogu jiro qabsoomida Shirkan oo horey uu u iclaamiyay Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane  Siciid C/llaahi Deni.

Shirweynahan oo qabsoomaya (15-17) bishan September, ayaa waxaa kasoo qeyb-galaya Marti gaareysa 700  oo qof, kuwaas oo isugu jira Ganacsato iyo Ergooyin ka socda Shirkaddo Ganacsi iyo Dalalka daneeya Maal-gashiga, sida uu sheegay Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Dowladda Puntland Faarax Maxamuud Cawaash.

Wafuud isugu jirta Ganacsato iyo Egooyin caalami ah ayaa saacadihii lasoo dhaafay kusoo qul-qulaysay Magaalada Garoowe ee caasimadda Dowladda Puntland, Iyadoona Goo-dhaw la filayo inay Garoowe soo gaaraan Madax heer sare ah.

Shirkan Maal-gashiga Puntland ayaa inta uu socdo lagu soo bandhigi doonaa Fursadaha Maal-gashi ee ka jira Mandiqada Puntland iyo Kheyraadka Eebbe ku maneystay, waxaana barbar socon doona Shirar gaar gaar ah ay yeelanayaan Ganacsatada iyo Ergooyinka ka qeyb-galaysa Shirweynahan.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading