Siciid Deni oo kulamo xasaasi ah ka wada magaalada Nairobi

Madaxweynaha Puntland Dr. Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa kulamo siyaasadeed ka wada magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya, oo uu gaaray galinkii dambe ee jimcihii.

Madaxweyne Deni ayaa kulamadan la leh qaar kamid ah siyaasiyiinta Soomaalida, ee ku sugan Nairobi iyo wakiilo ka socda qaar kamid dalalka caalamka, gaar ahaan reer galbeedka iyo khaliijka carabta, isagoona kala hadlay marxalada siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka.

Siciid Deni, Madaxweynaha Puntland ayaa la rumeysan yahay inuu yahay musharax Madaxweynaha DFS, waxaana uu wadaa olale uu ku raadinayo taageero caalami ah iyo jilba culus siyaasdeed.

Idilnews


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading