Siciid Deni oo la kulmay Wasiiro iyo Saraakiil ka socda Galmudug

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa caawa kulan la qaatay masuuliyiin ka socda Dowladda Galmudug oo ka kooban Wasiiro, Saraakiil Ciidan iyo Guddoomiyeyaasha Gobolka iyo Degmada ee Galmudug.

Dowladaha Puntland iyo Galmudug waxaa ka dhaxeeya Iskaashi dhinac walba ah sida Amniga iyo horumarka, waxaana kulanka looga hadlaya is-xogwareysi iyo sidii loo sii horumarinlaha Iskaashiga guuleystay ee labada dhinac, gaar ahaan Amniga oo siwanaagsan looga shaqeeyay.

Waxaa Madaxweynaha kulanka ku weheliya Wasiirada Arrimaha Gudaha iyo Maaliyadda ee Dowladda Puntland, Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabanacad iyo Mudane Xasan Shire Cabdi.

Idilnews


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading