Sidee U qaybsadeen saamiga Dekeda Berbera Itoobiya,Somaliland iyo Imaaraadka Carabta?

Heshiis saddex geesood ah oo dhex maray maamulka Somaliland, shirkadda DP World iyo Itoobiya, ayaa maanta lagu saxiixay dalka Isutagga Imaaraadka Carabta.
 
Heshiiska 51% saamiga horumarinta dekedda yeelanaya shirkadda DPW, 30% waxaa yeelaneysa Somaliland, halka 19% ay yeelaneyso dowladda Iboobyia.
 
Inkastoo oo uu horey ujiray heshiiskan, ayaa haddana madaxweynaha cusub ee Somaliland, Muuse Biixi, waxa uu soo jeediyay in dib loo eego, mana cadda is baddal haddii lagu sameeyay iyo in kale.
 
Heshiiska kama dambeynta ah ee dhismaha dekedda Magaalada Berbera ayaa waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka arrimaha dibadda iyo xiriirka caalamka Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, halka dowlada Itoobiya uu u saxiixay Wasiirka Gaadiidka Itoobiyah Axmad Shide iyadoo shirkadda DP world uu u saxiixay Sultan Axmad Bin Salayman Madaxa Shirkadda DP World.
 
Itoobiya ayaa 85% alaabaha dibada uga yimaada kala soo degi jirtay dalka Jabuuti, Balse waxaa la filayaa inay imika 50% ay kala soo degto alaabaha Dekada Berbera oo ay gacanta ku hayaan Somaliland.
 
Somaliland ayaa Dekada Berbera ku wareejiyay shirkada Dp World Bishii saddexaad ee sanadkii hore, waxaa sidoo kale Somaliland siisay Dalka Imaaraatka Saldhig milateri oo ay ka sameysanayaan Magaalada Berbera.
 
Dowlada fadaraalka ee Soomaaliya ayaan wali ka hadlil saamiga Itoobiya ka qaadatay Dekada Berbera, maaddaama ay iyadu tahay sharciyan dowlada uu hoso yimaado maamulka Somaliland.
 
Ilo wareedyo hoose ayaa sheegaya in dowlada fadaraalku ay wax ka og tahay heshiiskan iyo saami qaybsiga la shaaciyay.

Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading