Sidee ugu hirgashay in ay gudaha Israa’iil galaan Xoogaga Xamaas?

Waxaa soo baxaya xogo laga helayo sida ay ugu hirgashay Xamaas in ay ka gudbaan Xayndaabka Dhererkiisu dhan yahay 65-ta km ee ay ku xiran yihiin Qalab casri ah oo wax ilaaliya,isla markaana heegan sare ay kaga jiraan Ciidamo badan.

Xogahan,waxay sheegayaan in uu ahaa qorshe Xamaas ufulay oo ay ku khiyaantay Dowlada Israa’iil,taasoo iskugu jirta Siyaasiyan,Milleteriyan iyo Wardoon….

1.Xamaas,waxay Israa’iil umuujisay dabacsanaan,iyadoo ogolaatay wada hadal iyo mowqifkeeda in ay dabciso,balse dhab kama ahayn ee Siyaasiyan ayay wax khaldaysay.

2.Xamaas Milleteri ahaan,waxay udiyaar garowday si sare oo waxay diyaarisay 3000 oo Gantaal,Baaldoosaro iyo Ciidan ku hawlgala wax ka yar Hal Daqiiqo,kuwaasoo gudaha Israa’iil ku gaaray Daqiiqado.

3.Xamaas Wardoon ahaan,waxay la wadaageen Israa’iil xogo amni oo ka digaya in kooxaha kale ee Falastiiniyiintu diyaarinayaan weeraro ay kusoo qaadaan gudaha Israa’iil,iyagoo isku muujinaya in aysan weerar kusoo ahayn Israa’iil,balse been guur,ayay ahaayeen xogahaas.

Qorshaha Xamaas,waxa uu  muujinayaa in Israa’iil isdhigatay oo aysan taxadar badan ka samaysan dhanka Xamaas.

Dhanka kale Xamaas,way ku talagaleen jawaabta culus ee ay samaynayso Israa’iil kadib weerarkooda,waxayna ku micneeyeen Naf hurid ay usameeyeen reer Falastiin.

Balse,waxay muujisay sida masuuliyad darida ah ee aysan Xamaas ukala jeclayn culayska Shacabka Falastiin ku dhacaya.

11000 oo Qof ay ku jiraan 4000 oo Caruur ah,ayaa ku Naf waayay jawaabta weerarka Xamaas ee gudaha Israa’iil.

 

Jibril Qoobey.

 

 


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading