Sidee wax uga dhaceen Magaalada Bosaso?

Booliska Bosaso,waxaa soo gaaray xog ku saabsan Hub Sharcidaro ah in laga dajinayo Xeeb ku taal duleedka Bosaso.

Talyaha Booliska oo aan ogaysiin laamaha kale ee amaan,ayaa hawlgalka fuliyay,waxaana dhacday in Ilaalada Madaxtooyada Bosaso ay fahmi waayaan waxa socda oo ay Ciidankii Booliska ahaa weeraraan.

Jiho la’aantaas,waxay keentay in Hubkii Sharcidarada ahaa iyo Ragii watayba baxsadaan.

Sarkaal Ciidanka ah iyo Laba Qof oo Shacab ah,ayaa ku dhaawacmay hawlgalka dhicisoobay.

Hubka,waxaa watay Rag kasoo jeeda Beesha Cismaan Maxamuud/Bahgareen.

PSF wax Shaqo ah kuma lahayn Hubkaas,qaybna kama ahayn hawlgalka mana jirin Xabad dhankooda kasoo dhacday,iyadoo goobta laysku helay aad ugu dhawayd oo ugu badnaan ujirtay 3-km.

Haatan xaalada Aagaas aadbay udegan tahay.

 


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading