Sirdoonka Puntland oo Gacanta ku dhigay Qarax weyn

Sirdoonka Puntland xaqiiqdii Shaqo wanaagsan ayay hayaan,waxayna muujiyeen Laba kaclayn mudadii ugu danbaysay.

Si gaar ah Ciidamada Dharcadka ah ee laga hawlgeliyay Magaalooyinka waa weyn,ayaa muujiyay Shaqo sare oo tayo leh.

Xalay Qaraxa la fashiliyay ee Gacanta lagu dhigay,waxaa sababay hawlgalka Ciidamada Dharcadka ah ee sida joogtada ah Bosaso uga hawlgala.

Inkastoo Ninkii Qaraxa siday ka baxsaday,hadana,waxaa wax weyn ah in ay Qaraxii qabteen.

Haatan,waxay Ciidanku wadaan baaris dheeriya oo ku aadan Qaraxaas la helay.

Jibril Qoobey.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading