SL Oo 30-Sano kadib Hubkii Gacanta Beelaha dib ugalay

SL,waxay ahayd Maamulka kaliya ee Beelaha Gacantooda laga ururshay Hubka,balse nasiibdaro 34-Sano kadib dib,ayuu ugu laabtay Gacanta Beelaha.

Dagaalkii Sool,waxa uu si weyn udiciifiyay Dowladnimadii SL ku faani jirtay in ay kaga horayso Somaliya inteeda kale.

Ciidankan,waa midka Beesha wax ka degta Sool,Sanaag iyo Buuhoodle ee loolanku kala dhaxeeyo Beesha kale ee ay wada degaan Deegaamadaas ee iyaduna isticmaasha Magaca Sool,Sanaag iyo Cayn.

Sadex ujeedo,ayaa laga leeyahay dhisida Ciidankan…..

1.In Sool,Sanaag iyo Cayn oo Buuhoodle ah,aysan Hal Beel sheegan oo la muujiyo in Beelo kala duwan wada degaan.

2.In hadii dagaal dhaco Hab Beeleed lagu wajaho oo Maamulka SL meesha laga saaro,taasoo ka badbaadinaysa cadaadis iyo Canbaarayn uga timaada dagaal dhaca.

3.In hadii dagaalka lagu jabo aysan SL ku noqon fadeexad oo uu noqdo mid Beeleed.

Isku soo wada duuboo,waa dib udhac iyo maaaryn colaad sokeeye oo aan qiimo lahayn.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading