Puntland,waxay ka codsatay Dowladaha Ingiriiska,UAE iyo Itoobiya in ay cadaadis saaraan SL si ay wax uga qabato argagixisada isticmaasha Dhulka ay maamusho ee usoo gudubta Buuraha Bari ee PL.
Ujeedka PL,waa in la hakiyo oo loo diido fursad ay kusoo gaarto argagixisada Buuraha Bari.
SL maxay ufududaysaa Argagixisada?
1.Waxay isticmaashaa Garoomada SL.
2.Waxay ka dhex samaysataa Basaboorada.
3.Waxaa udegan Xaasaskooda.
4.Waxay ku daawaysataa Dhaawacyada.
5.Sirdoonka SL Sanadkii,waxa uu siiyaa argagixisada Lacag dhan $300-kun si aysan gudaha SL uga fulin Dilal iyo Qaraxyo.
6.Waxay kasoo gudubtaa argagixisadu Sanaag marka ay soo galayso Buuraha Bari.
Somaliland,waxay u aragtaa in ay isku cadow yihiin iyaga iyo argagixisada oo la dirirka Jamhuuriyad Somaliyed ay midayso.
Sidoo kale,SL,waxay u isticmaashaa kobcinta argagixisada burburinta Amniga Somaliya inteeda kale,waxayna ufahansan tahay amni xumada iyo nidaam xumida Qaybaha kale ee Somalida in uu wax ka tarayo helida Aqoonsiga aadka uraadiso.
Puntland tiro dhawr jeer ayay horay usheegtay in SL taageerto Ururada argagixisada ah.
Horay Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Gaas,ayaa si cad uxaqiijiyay in baaris ay PL samaysay xiligii uu madaxda ka ahaa Lagu ogaaday wada shaqaynta argagixisada iyo SL.
UK,UAE iyo Itoobiya,waxay taageero siiyeen hawlgalka socda,cadaadiskooda SL,waa mid mira dhal noqon kara maadaama ay saamayn weyn ku leeyihiin SL.
Jibril Qoobey.
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.