Somaliland oo caawa duqeymo ka wada Laascaanood

Wararka ka imaanaya caasimadda gobalka Sool ee Laascaanood ayaa sheegaya in duqeymo culus ay caawa ka socoanayaan magaalada, waxaana ku garaacaya ciidamada maamulka somaliland ee uu hoggaamiyo Muuse Biixi Cabdi.

Duqeymaha ayaa si bartilmaameed la,aan ah ugu soconaya Laascaanood, iyadoo qaarkood ay ku dhaceen guryo ku yaalla magaalada oo ay degan yihiin dad shacab ah.

Muuse Biixi iyo maamulkiisa ayaa horey u shaaciyay inay xabad-joojin shuruud la,aan ah oo ka dhaqangesha Laascaanood, balse waxaa gaashaanka u daruuray isimadda dhaqanka SSC oo cadeeyay in ay Somaliland ku qarinayso xabad-joojintaas abaabul horleh, maadama dagaalka ay kala kulmeen jab xooggan.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading