Somaliland oo Gobolka Sanaag ka mamnuucday inay ka shaqeeyaan UN-ku

Madaxtooyada Somaliland ayaa qoraal ay u dirtay hay’adaha Samal-falka iyo kuwa horumarinta ee caalamiga ah waxay uga digtay in ay ka hawlgalaan degaanno ka tirsan gobolka Sanaag oo ay ka soo jeedan ciidamada ku biiray Puntland.

Somaliland waxay hay’adaha u sheegtay in amniga degmada Badhan iyo degaanno kale oo ka tirsan bariga iyo koonfurta gobolka Sanaag uu gacanta ka baxay kadib markii malayshiya-beeleedyo hubaysan la wareegeen waxaana ay ku wargelisay in aan laga hawlgeli Karin.

Sidoo kale Somaliland ayaa hay’adaha kala duwan ee caalamiga ah warbixin ku siisay in degmooyinka ay ku jiraan Xiingalool iyo Dhahar ay xarumo qarsoodiya ku leeyihiin ururka Al-shabaab oo sida ay sheegtay ka hawlgala degaannadaasi.

Sarkaal ka tirsan hay’adaha caalamiga ah kana soo jeeda gobolka Sanaag ayaa warbaahinta u sheegay in saraakiisha sare ee hay’addiisu ay wax ka weydiiyeen sax ahaanshaha warbixinta Somaliland.

Warbixinta oo uu weheliyo sawir muujinaya malayshiyaad hubaysan oo baabuur saaran ayaa loo diray hay’adaha iyadoo sawirka hoostiisa lagu qoray Badhan sida uu tilmaamay sarkaalka.

Wuxuu sheegay in uu qoraal jawaab ah ka celin doono warbixinta Somaliland la wadaagtay hay’adda oo uu ku tilmaamay mid lagula dagaaallamayo nabadda iyo horumarka gobolka Sanaag gaar ahaanna loogu colaadinayo isir iyo dad gaar ah.



Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading