Somaliland oo walaac xoog badan ka muujisay Shirka Ankara

Somaliland,ayaa walaac xoog leh ka muujisay Shirka Ankara ee Itoobiya iyo Somaliya ee looga xaajoonayo qadiyada uu xanbaarsan yahay heshiiska isfahan ee Itoobiya ay la gaartay maamulka SL.

SL walaaceeda,waxay la wadaagtay Dowlada Turkiga Qunsuliyadeeda ay ku leedahay Hargaysa.

Turkigu,waa Martigeliyaha kulanka Labada Wadan,waana damaanad qaadaha heshiiska la filayo in ay wada gaaraaraan.

War qoraal ah oo lagu daabacay bogga wasaaradda arimaha dibadda Somaliland,ayaa u qornaa sidatan….

“Isniin 01-July-2024-Hargeysa- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda & Iskaashiga Caalamiga ah ee JSL mudane Dr. Ciise Kayd Maxamuud ayaa xafiiskiisa kula kulmay Qunsulka Guud ee Türkiga u fadhiya Somaliland Mr. Levent Çeri. Wasiirku waxa uu la wadaagay walaaca ay xukuumadda Somaliland ka qabto arrimo door ah oo saamayn kara xidhiidhka labada dawladood ee Türkiga iyo Somaliland.

Kulanka oo kusoo dhammaaday is-afgarad ayaa waxa la isla qaatay in la sii xoojiyo xidhiidhka iyo wadashaqeynta dawladaha Somaliland iyo Türkiga”.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading