Somaliland oo xabsiga ka sii deysay Wasiirkii hore ee Amniga Puntland

Somaliland ayaa xabsiga ka sii deysay Cabdi-jamaal Cismaan, oo horey xilal isugu jira Wasiir iyo Xildhibaan uga soo noqday Puntland.

Cabdijamaal ayaa khamiistii ay ku qabteen magaalada Hargeysa Ciidammada Somaliland, xilli uu safar uga soo laabtay Dalka Itoobiya.

Qaar kamid ah Siyaasiyiinta kasoo jeeda Beesha Warsangeli ayaa ku eedeeyay xariga Cabdijamaal Sirdoonka Puntland, wallow aysan Puntland ka hadlin xariga Somaliland u geysatay Wasiirkii hore ee Wasaaradaha Amniga iyo Xanaanada xoolaha Puntland.

Idilnews


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading