SOMALIYA IYO FARMAAJO YAA U GAR NIQIDOONA..?

Bism.Rax.Rax.

    *GARNAQSI*

“DOORASHADA 2021”

SOMALIYA IYO FARMAAJO YAA U GAR NIQIDOONA..?

Anoo ku hadal qabsanaya khudbadii Mahdi Guuleed ee Garowe, faaladayda waxaan ugu magacdaray GARNAQSI:

Marka hore, waxaan Xaal u dirayaa AUN Adeerkay Osman Yussuf Keenadeed oo gabaygiisi si qalddan iyo Madal qalddan loo isticmaalay.

Qodobka labaad, maalmahaan waxaan iswaydiinayey, Mucaaradka ma aqbalayaan in ay Doorashada ka qayb galaan haddii Farmaajo aqbalo codsigooda oo ah:

  1. Guddiga Doorashada in gabi ahaanba la bedelo oo la tixgeliyo xubno ay heshiis ku yihiin..!
  2. Fahad Yassin in laga qaado xilka NISA..!!
  3. Ciidamada Dawlada in dib looga soo celiyo Gedo..!!!

MashaAllah, riwaayad qurux badan soo ma aha. Somaali iyo Shisheeyaba soo ma qancayaan..
Mucaaradka ma hadal dambe ayaa u banaan..?!!!

Ar Farmaajo iyo Xertiisa xaa ku Ajjar ah…

Walaalayaaloow, Dadka ma Dhoohan yihiin mise anaa wax fahmin..?

Dadka meelahaa ku shiraaya oo ka hadlayaa soo ma arki karaan in:

  1. FARMAAJO ku fashilmay guud ahaan arrimihii loo igmaday inuu ‘Qabyo tiro’. (Si tifaftiran ayaan uga hadlidoonaa xalaqaadka soo socda..Insha’Allaah).
  2. FARMAAJO wuxuu dhiig badan ku daadiyey Baidhabo, Beled Xaawo, Jowhar, Beledwayne, iyo Dhuusamareeb, si dib loogu soo DOORTO..
  3. FARMAAJO isagoo Xoog isticmaalayo ayuu soo doortay Laftagareen, QoorQoor, iyo Guudlaawe..
    Ka daba gee, Omar Finish..
  4. FARMAAJO wuxuu Xoog iyo Handadaad shaqadii uga qaaday MadaxwaynayaashiiShariif Xassan, Xaaf iyo Waare..
  5. FARMAAJO wuxuu Jubaland u qaybiyey labo gobol..
  6. FARMAAJO wuxuu si Xoog ah Hoggaanka uga qaaday Jawaari..
  7. FARMAAJO wuxuu la wareegay codadkii xubnaha Somaaliland..
  8. FARMAAJO wuxuu la wareegay magacaabista xubnaha gobolka Benaadir…
  9. FARMAAJO wuxuu magacawday guddiga Doorashada oo gabi ahaanba “shaqaalihiisa ah” iwm..
  10. FARMAAJO wuxuu adeegsanayaa Ciidanka Somaaliyeed si uu ku caburiyo mucaaradka…
  11. FARMAAJO wuxuu isticmaalayaa dhaqaalaha Dalka si dib loogu soo doorto..
  12. FARMAAJO wuxuu ololihiisa u isticmaalayaa warbaahinta Qaranka..
  13. FARMAAJO wuxuu lacagta dadwaynaha siinayaa CBB si loo aflagaadeeyo Mucaaradkiisa..
  14. FARMAAJO wuxuu diyaar u yahay in Qaranka u burburiyo si ay u hirgesho Hawadiisa..!!

Hadaba, Doorashada la hadal hayaa maxay tahay?

NIN ISDOORTAY MAXAA LAGA YEELI?

Somaaliya iyo Farmaajo, yaa u Garniqidoona..???

La soco qoraalada dambe..Insha’Allaah.

Alloow Tawfiiqda na waafaji oo Qaflada naga saar.. Amiin

Haji Mohamed Yassin


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading