Somaliya iyo Imaaraadka Carabta oo iska kaashaday Diblomaasiyad…

Somaliya iyo Imaaraadka Carabta ayaa iska kaashaday arrin aysan Soomaali badani aanay xog ka hayn sida uu sheegay Maxamed Cabdirisaaq Maxamed.

Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Maxamed Cabdirisaaq Maxamed, ayaa waraysi uu bixiyey wuxuu ku sheegay arrin dood badan ka dhex abuurtay Soomaalida oo ah in Soomaaliya ay diiday deeq daawo ahayd oo uga imaan lahayd dalka Masar, Si aanay uga caraysiinin Itoobiya.

Dhinaca kalena Wasiirka ayaa ka hadlay xiriirka Somalia iyo Imaaraadka wuxuuna beeniyey inuu si buuxda u wada go’ay, wuxuuna soo qaatay arrin diblomaasiyadeed oo ay labada dal ka wada shaqeeyeen sanadkii hore.

Wasiirkii hore ayaa sheegay in Imaaraadku ay Somalia ka codsadeen inay codkeeda siiso markii Imaaraatku ay u tartamayeen inay ka mid ah noqdaan 10-ka dal ee aan Joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka QM, taasoo ay Somalia ka aqbashay iyadoo u codaysay sidaana ay imaaraatku ugu guulaysteen kursiga. Waxay taasi dhacday horraantii Juun 2021-kii.

Taas bedelkeeda Imaaraadku waxay Somalia iyaguna ugu abaalgudeen inay u codeeyaan iyada oo u tartamaysey ka mid noqoshada xubnaha Golaha Xuquuqul Insaanka QM oo ay ku guulaysatey 14-kii Oktoobar isla 2021-kii.

Abdirisak Juba.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading