Somaliya iyo kenya oo wada hadal ubilaabanayo iyo Madaxweyne Farmaajo oo Nayrobi gaaray

Waftiga Madaxweynaha oo ay ku wehliyaan Masuuliyiin ka tirsan labada Gole ee dowladda ayaa la filayaa in loo gudbiyo qasriga madaxtooyada Halkaas oo uu kula kulmi doono Madaxweynaha wadanka Kenya.
 
Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka Jommo Kenyatta kusoo dhaweeyay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Kenya Monica Juma iyo Sii-hayaha Safaaradda Soomaaliya ee kenya Mudane Cali Maxamed Shiikh.
 
Madaxweynaha ayaa dalkaas u tagay bilaabida si rasmi ah wada hadal ay labada Dowladood ee Kenya iyo Somaliya uga bilaabanaya xuduuda dhanka Badda ee labada Dal ay ku muransan yihiin.
 
Somaliya iyo Kenya ayaa isku haya Xuduud badeed la sheegay in uu dhex ceegaago Shidaal aad u fara badan,waxayna labada Dowladood murankooda la aadeen dhanka Maxkamada Caalamiga ah ee Heeg.
 
Dawladda Norway ay waqti dheer ku hawlanayd sidii ay Badda Somaliya ee dhinaca Kenya u gacan geliso Kenya si ay Norway uga baarto Shidaal.
 
Waxaa muuqata in Dowlada Farmaajo ay diyaar u tahay markan in ay wda hadal ka gasho muranka xuduuda Badda,taasoo ah sida ay Dowlada kenya ay danaynaysay mudo dheer..

Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading