Somaliya oo noqotay Wadan Hal Nin ku matalayo Shaqo kasta oo Qaran

Shaqo RW,mid Wasiir iyo mid Agaasime intaba anaa ku filan,waa fariimaha socdaallada MW Xasan dirayaan.

Xadan,wuxuu noqday shaqsi ay kumaad sadaan Madaxda Afrika,hay’adaha caalamiga ah iyo Safiirada Dalalka kale,kuwaas oo markii lasoo marsiiyo kulamada casumadaha lana wadaagaan dhigooda ay arkaan meeshay ka sugayeen RW,Wasiir ama Agaasime Madaxweynihi oo sooba safray.

Mararka qaar;waxaad ka dareemaysaa Wajiyada shaqsiyaadka kulanka qaybta ka ah sidaysan ugu faraxsanayn waxa uu Xasan Sh. ku dhaqmayo.

Wasiiradii waxay qabtaan ayay inta garan waayeen ayay Hotellada Muqdisho isaga xaraysan yihiin.

Sidoo kale mararka qaar waxaad arkaysaa Wasaarad ama Wasiir munaasabad shaqo leh oo Wasaaradiisa kusaabsan oo Wasiiro badan iyo xitaa Raysal wasaarihii joogo.

Madaale oo ah Duqa Muqdisho Shaqadiisii Maalin laha ahayd,waxaa ku haysta Wasiiro oo Munaasabad yar oo Degmo ka jirta,waxaa saf ugu jira Wasiiradii.

Xasan waxa uu macno tiray wax kasta oo Dawlad nimada ku saab sanaa oo faham Dawladeed nin leh uma muuqdo ee waa Ganacsade Xoolo raadis ah.

Wadamada ay kaligii taliyaashu Xukumaan xitaa,sidaa uma dhaqmaan,waana la yaab Wadan Hal nin matalayo Shaqo kasta.

 


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading