Gobolka Sool oo weli ku jira Dhulka lagu muransan yahay

Qaramada Midoobey,ayaa markale. soo bandhigtay Khariirad muujinaysa in Gobolka Sool welu ka mid yahay Dhulka lagu muransan yahay ee Somaliya.

Halka Gobolka Sanaag intiisa badan ay raacisay QM Puntland,qayb ka mid ah oo ku beegan Ceerigaabo iyo nawaaxigeeda ay raacisay SL.

Sababta keentay in Sool lagu hayo weli Dhul lagu muransan yahay,waa jiha la’aanta Siyaasadeed ee ka jirta.

SL,waxaa ku jira Dad matalaya Sool.
PL,waxaa ku jira Dad matalaya Sool.
Khaatumo,waxay joogtaa LC.

Balse Sanaag,waa Laba Qaybood oo kala ah PL iyo SL,waana waaqiciga jira oo Ceerigaabo oo ah Magaalo Madaxda Gobolka,waxaa Maamusha SL.

Si gaar ah ,waxaa uhiiliyay oo ka badbaadiyay Dhul lagu muransan yahay Reer Sanaag,Doorashadii PL ee Qof iyo Cod oo ay galeen.

Sool,waxay ubaahan tahay Jiho Siyaasadeed,waana Qodob ka mid ah Qodobada Firdhiye loo dhiibay ee uusan waxba ka qaban.

Khariiradan,waxay ku fadhidaa Waaqiciga Dhulka yaala.

 

Halkan ka akhriso:-

 

 


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading