Sool: Taliye katirsan Ciidanka Somaliland oo lagu dilay dagaal

Wararka ka imaanaya degmada Xudun ee Gobolka Sool ayaa sheegaya in dagaal u dhexeeya Ciidanka Somaliland iyo dabley hubeysan oo ka dhacay ka dhacay Xudun lagu dilay Taliyihii Ciidamada Somaliland ee degmadaas.

Dagaalkan ayaa yimid kaddib markii Ciidanka Somaliland ay weerareen rag hubrysan oo la sheegay inay ka Ganacsanayeen waxyaabaha maanka dooriyaha.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in dagaalka ay sidoo kale ku dhaawacmeen askar kale oo ka tirsan Ciidamada Somaliland, kuwaas oo la geeyay Isbitaalka degmada Xudun.

Idilnews


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading