Soomaaliya iyo Cuman oo heshiis kala saxiixday (Sawirro)

Dowladaha Soomaaliya iyo Cumaan ayaa kala saxiixday heshiis ku saabsan in labada dowladood ay isku furaan diyaaradaha labada waddan,isl amarkaana la hormariyo duulimaadyada rayidka ee labada dowladood.

Wasiirka Gaadiidka iyo duulista Hawada ee Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar  ayaa Magaaladda Monterial ee dalka Canada oo uu ka socdo shir ay ka qeyb galayaan 193-da Dal ee xubnaha ka ah ICAO  waxaa uu kula kulmay dhigiisa dalka Cumaan, iyaga oo ka wada hadlay qodobo ay kamid ahaayeen sidii la isugu furi lahaa diyaaradaha labada dal.

“Shir laba geesood ah oo aan la yeelanay saldanadda Oman ayaan ku heshiinayin la isu furo diyaaradaha labada waddan la iskana kaashado horumarinta duulista rayidka labada waddan ayuu yiri”Wasiirka Gaadiidka Soomaaliya Oomaar.

Sidoo kale Wasiirka ayaa waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray in kulan looga arrinsanayo heshiiskaan uu gudaha dalka Cumaan ka dhici doono Bisha Octoober ee sanadkaan 2019 si loo dhameystiro heshiiska.

Soomaaliya ayaa horay waxaa ay heshiis dhinaca duulimaadyada rayidka ah la gashay wadamo badan oo isugu jira African iyo kuwo kale,waxaana kamid ah Uganda, Itoobiya iyo Turkiga, kuwaas oo diyaaradahooda ay sitoos ah u yimaadaan Magalada Muqdisho.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading