Soomaaliya iyo Masar oo Heshiis ku saxiixday Qaahira.

QAAHIRA (IDIL NEWS)-Wasiirada Caafimaadka dalalka Soomaaliya iyo Masar Drs. Fowzia Abiikar iyo Drs Hala Zaid ayaa magaalada Qaahira ee Xarunta dalka Masar ku kala saxiixday heshiis Baratakool ee iskaashi una dhaxeeya wasaaradaha Caafimaadka ee labadan dal.

Heshiiskaan ay labada wasiir kala saxiideen ayaa ka tarjumayaa sii horumarinta cilaaqaadka dalalka Soomaaliya iyo Masar, loo gaar ahaan sidii Wasaaradda Caafimaadka Somaaliya ay dowladda Masar ugu taageeri laheyd horumarinta Caafimaadka ee dhinaacyada badan leh.

Wasiirada Caafimaadka Masar Drs Hala Zaid  ayaa markii qalinka lagu duugay heshiiskaasi hadal gaaban ay halkaa ka jeedisay waxa ay sheegtay inay dowladeeda ay la garab taagan tahay Jamhuuriyadda Soomaaliya u gudbinta waaya aragnimada iyo khibrada dhanka caafimaadka,waxayna sheegtay inay u soo diri doonto Muqdisho  khubaro ah ku takhasxusay dhanka caafimaadkaka kana shaqeeya daraasad dhanka gargaarka deg-dega ah iyo dhammaan arrimaha hawlaha caafimaadka la xiriira, kuwaas oo isla maarkaana kormeera nidaamka iyo wacyiga caafimaadka dalka gaar ahaan daryeelka Hooyada iyo dhallaanka Soomaaliya.

Dhanka kale Dr. Khalid Mujahid oo ah afhayeenka Wasaaradda Caafimaadka Masar ayaa sheegay in heshiiskani uu muhiimad gaar ah siinayo in Soomaaliya laga Caawiyo Caafimaadka Guud kan Qoyska iyo Hooyada iyo dhallaanka.

Waxaana qeybka ah gar-gaarka deg-degga iyo tababaro la xiriir adeegyada Caafimaadka sida adeegyo Iskaashi oo dhanka Caafimaadka ah  oo dhaxmaro Labada dal.

IDIL NEWS


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading