Soomaaliya iyo Midowga Afrika oo isku raacay in waqtiga loo dheereeyo AMISOM

Ururka Midowga Afrika [AU] iyo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ka heshiiyay mustaqbalka Ciidamada Hawlgalka Midowga Afrika [AMISOM] ee ku sugan Soomaaliya, wax ka yar afar bilood ka hor inta uusan dhammaan muddo xileedkooda.

Warsaxaafadeed ay si wadajir ah u soo saareen AU iyo DFS Axaddii ayaa lagu sheegay in arrimo dhowr ah la xaliyay; tallaabadan ayaa sii dheereyn doonta joogitaanka ciidamada ee Soomaaliya ilaa xasilooni laga helo.

Qaraar la ansixiyay bishii June ayaa la isku raacay in ciidamada AMISOM ay sii joogaan Soomaaliya illaa December 2021,markaas kaddibna ay u ambabixi doonaan dalalkooda balse hada waxaa muuqanaya in jadwalka isbadal ku yimid.

Dhinacyada ayaa ku heshiiyay in la dardargeliyo hirgelinta Qorshaha Kala-guurka Soomaaliya [STP], kaas oo horseedi doona in ciidammada hawlgalku ay mas’uuliyadda amniga ku wareejiyaan Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed [SNA] in kasta oo si tartiib – tartiib ah loo dhaqan-gelin doono.

Markii hore, STP waxaa loo qoondeeyay in la hirgeliyo Deseembar 2021. Sidoo kale, labada dhinac waxay isku raaceen in Al Shabaab ay weli khatar weyn ku tahay dalka sidaa darteedna loo baahan yahay in si wadajir ah looga shaqeeyo sidii dagaal looga hortagi lahaa.

Khariidad cad ayaa laga bixiyay sida taas lagu gaari karo bilaha soo socda. Sida ku cad heshiiska, koontaroolka taliska AMISOM waa la hagaajin doonaa; Waxaa sidoo kale si weyn looga dooday baaqyada ku aaddan hawlgallada wadajirka ah iyadoo la meelmarinayo ciidamo deg-deg ah.

Bayaankan ayaa xeerinaya in AU-du ay hoos u dhigtay qiimeyntii dhowaan ay sameeyeen khubaro ka tirsan AU oo soo jeedisay sameynta ciidamo isku-dhaf ah kana socda UN iyo AU wixii ka dambeeya December 2021 maadaama heshiiska qalfoofka uusan xusin.

Soomaaliya waxay ka soo horjeesatay soo jeedinta khubarada.

AMISOM waxaa Soomaaliya ka jooga ku dhowaad 22,000 oo askari kuwaas oo ka hawlgala qaybo kala duwan oo ka tirsan gobollada howlgalka. Qaar ka mid ah waddamada ciidamada ku deeqay waxaa ka mid ah Kenya, Jabuuti, Itoobiya, Uganda, iyo Burundi, ciidamaduna waxay joogaan ilaa 2007 -dii.

Idilnews


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading