Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa ku qaabilay xafiiskiisa Wasaaradda Safiirka Jamhuuriyadda Shacbiga China Mudane Qin Jian.
Intii lagu guda-jiray kulanka, waxa ay uga wada hadleen xiriirka laba geesoodka iyo iskaashiga u dhexeeya labada dal oo ay ku jirto ganacsiga, maalgeshiga, isdhaafsiga khibradaha iyo tiknoloojiyadaha la oggolyahay iyo sidoo kale arrimaha siyaasadda iyo nabadgelyada.
Dowladda Shiinaha ayaa ka mid ah dowladaha sidaweyn u taageera Soomaaliya,waxaana ay ka fulisay mashaariic horumarineyd oo dhowr ah, iyada oo heshiisyo la gashay Dowladda Federaalka Soomaaliya.





Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.